Caamir Axmed Saalax oo ahaa isku xirihii guud ee Daacish Bariga Afrika oo Dhalasha ahaan kasoo jeeday Ciiraaqi,ayaa lagu dilay duqayntii Xalay.
Sidoo kale 13-Nin oo ay ku jiraan Saraakiil argagixisada ah,ayaa la Geeriyooday Caamir Alciraaqi.
Duqayntan oo ka dhacday Godka Dulaciin ee Aaga Il iyo Camayra 2-dii Habeenimo Xalay,waxaa kaloo lagu dhaawacay 8-ka mid ah argagixisada oo Ajaanib ah.
8-Gantaal,ayaa lagu dhuftay,waxaana fuliyay weerarkan Ciidamada Maraykanka ee kaabaya kuwa PL.
Bartilmaameedyada la garaacay Xalay,waxay ahaayeen kuwo muhiim ah oo Dhulka hoose ah.
Dhanka kale Ciidamada PL way sii ruqaansanayaan,waxayna ilaa iyo hada ka sifeeyeen argagixisada 23-Tuulo iyo Deegaan gaaraya ilaa 200-KM.
Inta badan argagixisadii,ayaa iskaga carartay Deegaamadii Beesha Cali Saleebaan,waxayna isku ururiyeen Buuraha Deegaamada Beesha Dishishe.
Hawlgalku si qurux badan oo Guul leh lagana taxadaray khasaaraha Ciidanka,ayuu usocdaa.
JQ.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.