PL oo ka hor timid warbixintii Swan Ee Golaha Amaanka

“James Swan si khaldan, ayuu u fahmay sawirka dhabta ah ee siyaasadda ee Soomaaliya, xog khaldan ayuuna siiyey Golaha Ammaanka, marwalba waxa wanaagsan aragti isku dhiili-tiran”,Ayuu yiri Wasiir Juxaa.

Waa loo baahnaa in la PL ka hadasho warbixintii Swan siiyay fadhigii QM ee ku saabsanayd Somaliya.

Swan,waxa uu si khaldan ugu talax tagay Dastuurka iyo Qodobada Xasan ku falaaday ee aan laysku raacsanayn.

Ma ahayn in uu ku daro warbixinta uu ka bixinayo Somaliya Qodobo Dastuur oo aan laysla ogolayn.

Inkastoo warbixintiisa uu kusoo afmeeray,wax walba,waa in ay noqdaan wax heshiis lagu yahay,hadana Dastuur lagu falaaday in uu soo hadal qaado oo waxqabad ka dhigo khalad ayay ahayd.

Dhaliisha PL ee warbixintaas,waxay keenaysaa cadaadis farta loogu fiiqo gefka Swan ka galay Dowlad dhiska BC.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading