Prof. Faysal Rooble ” Garowe ayaa ka amni badan Maraykanka “

Aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee Faysal  Cabdi Rooble oo maqaallo taxana ka qoray socdaal uu ku soo maray gobollada  Puntland ayaa sheegay in caasimadda Puntland ee Garoowe ay ka amni badantahay magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka.

Waxaan u dhabo-galay astaamaha gaarka u ah Garowe iyo horumarka bulshada. Nabadda ayaa kow ka ah horumarka magaaladaasi.  Bulsho ma dagto mana najaxdo haddaanay nabadi jirin” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay in uu habeen ku daahay marti-qaaday loogu sameeyay huteel ku yaalla Garoowe kadibna isaga iyo kooxdii marti-qaadday ay magaalada dhex lugeeyeen xilli dambe oo 12:30am halka Los Angeles iyo magaalooyinka kale ee Maraykanka aan xilligaasi la socon Karin haddii aan gaari la wadan.

Aniga iyo kooxdii imarti qaadday markaanu cashadii dhammaysanay waxa aanu sii marnay farmsi furnaa xilli ay saacadda hebeenimo ahayd 12:30; halkaas oon ka gatay caday iyo dawadiisa oo iswata Los Angeles iyo magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka waxaa jira xaafado aadan habeenkii saqda dhexe gaadhi wax aan ahayn aadan ku mari karin; in aad ka adeegatona iskaba ilow” ayuu sii raaciyay.

Mudane Rooble ayaa sidoo kale sheegay in amniga Garoowe uu gaarsiisanyahay heer maalin iyo habeen si isku mid ah loo socdo iyadoo aan wax cabsiya la dareemin “Dadku maqaayadaha ayay si nabad oo aan cabsi lahayn maalintii ugu sheekaystaan, habeenkiina ku caweeyaan. Jidadkana habeen iyo maalin bilaa cabsi ayaa la iskaga socdaa”.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading