Puntin iyo Kim John Un oo heshiis Istiraajiyadeed wada gaaray

Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa ku warrameysa in labada hogaamiye ay kala saxiixdeen heshiis istiraatijiyadeed oo dhameystiran.

Arrintan ayaa uu hore u tibaaxay Yuri Ushakov, oo ah la taliye sare oo Putin ah.

Illaa hadda waxa heshiiskani yahay iyo waxa uu ka kooban yahay ma cadda. Balse warbaahinta ayaa isku deyeysa in ay xog ka hesho faahfaahinta heshiiskan.

Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan qaatay laba saacadood sida ay baahinayso warbaahinta Reuters. Halka weftigoodii kale ay qaateen kulammo gaargaar ah oo soconayey saacad iyo bar.

Kulanka labadan hoggaamiye iyo saaxiibtinnimada dhaw ee dhexmaraysa Labadan Dal,ayaa badanka Waddammada Reer Galbeedku aad uga walaacsan yihiin.

https://x.com/BRICSinfo/status/1803356283132645699?t=Bl3DoTAsdld2YQKmUTiH-g&s=19

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading