Puntland 635 qof u daad-gureysay koonfurta Soomaaliya (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa waxay dad gaaraya 635 qof oo ka mid ahaa dadkii laga soo barakiciyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool u dirtay Koonfurta Soomaaliya, kadib markii ay dadku codsadeen.

Guddiga gacanta ku haya soo dhaweynta iyo dejinta dadkaas oo hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayna ku jiraa Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Haweenka, Wasiir Dowlaha Qorshaynta, Guddoomiye kuxigeenka Gobolka, Duqa Degmada Gaalkacyo, Duqa Degmada Xarfo iyo Masuuliyiin ka tirsan hay’adaha Dowladda Puntland ayaa dadkaan ku kireeyey gaadiid qaada, kadibna ku wareejiyey Maamulka Dowladda Galmudug.

Dhanka kale Guddiga ayaa ku mashquulsan kala dejinta dadka soo haray.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading