Puntland – Al Shabaab oo la wareegay deegaanka Af-urur

Wararka ka imaanaya tuulada Afurur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay saaka oo sabtiya la wareegeen degaanka Afurur ee gobolka Bari kadib markii halkaasi ay maalmo ka hor isaga baxeen cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo saldhig ciidan ku lahaa.

Dadka degaanka ayaa u xaqiijiyay in aan wax dagaal ah ka dhicin tuulada Afurur ee Bari maadaama halkaasi aysan joogin wax ciidana islamarkaana saldhiga tuuladaasi uu cidlo ahaa wakhtiga Al-shabaab yimaadeen.

Sidoo kale waxay sheegeen in malayshiyaad ka tirsan  Al-shabaab oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa Hoobiyaha loo yaqaan ay subaxnimadii hore ee saaka soo galeen saldhigii ciidamada Daraawiishta Puntland ee degaankaasi Afurur.

Ilaa iyo haatan lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen kooxaha Al-shabaab ee qabsaday degaanka Afurur ee gobolka Bari.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading