Puntland:-Dhamaystirka Degmooyinkii ka haray Doorashadii Golayaasha oo heshiis laga gaaray

Garowe: 28 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa caawa kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo kala ah Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godabjiiraan , Waxaana la Isku raacay in Doorashada saddexda degmo la qabto inta ka horeysa 1-da August 2024.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

 

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading