Guddiga Arrimaha Dhaqaalaha Sarifka iyo Dhaqdhaqaqa Suuqyada Puntland Kuwaaso Ku Soo Kooban Qodobadan Hoos Ku Xusan:-
1.Bankiga Dawlada Iyo Bangiyada Gaarka Loo Leeyahay Ee Ka Hawlgala Deeganada Puntland Waxaa laga Furaya Furuuc Lagu Kala Sarifto Lacagaha.
2.Wasaaradaha,Hay”ada Dawlada,Dowlada Hoose Iyo Shirkadaha Bixiya Adeegyada Guud Sida Biyaha,Korontada Iyo wixii La Mid au Waxaa Lagu wargelinayaa in ay si toosa u Dhaqan Geliyaan Isticmaalka Lacagta Shilling Soomaliga Ee Lagu isticmalo Degaamada Puntland.Mana Jiro Doono Muwaadin Puntland oo Lagu Khasbi Karo in uu Ku Bixiyo Dollar USA.
3 Shirkadaha Bixiya Adeega Lacagta ee Danabaysan iyo Applications kooda Waxaa lagu wargelinaya In ay Farac lacageed Xadidan Oo Shillin Somali ah Ku daraan Adeegyadadoodi Hore ee Dollarka Keliya Loogu isticmaali Jiray .
4.Waxaa la Mamnuucay In Wax Shilling somali ah Degaanada Puntland Lagu Soo Geliyo Meelo Ka Baxsan xuduudaheeda Ay Maamusho wakhtigan.Sidoo Kale waxaa la hakiyey Qul-Qulka Lacagta Shilling Soomaaliga ah Inta kaga Xalinayo Khal Khalka Ka Dhashay Lacagta Sarifkeeda.Cid Kasta Oo Lagu Helo In ay jebisay Amarkan Waxay ku Mudan Doontaa Ciqaab waafaqsan Sharciga.
5.Bangiga Dawladda Puntland Wuxuu Si rasmi Ah u Diiwangelin Doona Lacagta Shilling Soomaaliga Ee Degaanada Puntland Lagu isticmaalo Iyo wixii Tiradeeda Si Loogu Go”aan qaato Baaxada Sarifka Lacagta Qalaad Ee Suuqyada Puntland Looga Baahanyahay.
6.Bankiga Dowlada Puntland Wuxuu Xeer iyo Habraac uu sameynayaa Sarifka iyo Sariflayaasha Ka hawlgala degaanada Puntland.
7.Cid Kasta oo Is Hortaggaa Isticmaalka Lacagta Shilling Soomaliga Waxay Gashay Danbi qaran,Waxayna Muutaysanayaan Ciqaab wafaqsan sharciga.
8.Guddigu Waxay Furayaan Xarumo cabasho,Waxay sidoo kake Dadwaynaha Farayaan In ay ku wargeliyaan Xarumaha Policeka Ee Ugu Dhow .
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.