Puntland iyo DFS oo ay ubilaabanayso wada xaajoodyo

Kulan gaabnaa oo ay yeesheen Labada Madaxweyne ee DFS iyo Puntland,ayay iskula afgarteen in ay wada shaqeeyaan.

Sida wararku sheegayaan,waxaa jiri doona Shir ay wada yeelaanayaan Puntland iyo DFS oo looga xaajoon doono khilaafka jira sidii xal looga gaari lahaa.

Shirkaas MW Deni,waxaa uu qorsheeyay in lagu casumo RW Xamse oo la siiyo doorka Saxiixa.

Dhanka kale,isku shaandhayn,ayaa lagu samayn doonaa Golaha Wasiirada Fadaraalka oo lala sugayay Doorashadii Puntland.

Sida wararku sheegayaan MW Deni waxay isla fahmeen MW Xasan in Wasiirka Arimaha Dibada ee haatan banaan ee lala sugayay Doorashada PL lagu badalo Wasiirka Maaliyada oo loo dhiibo Shaqsi ka yimid dhanka Deni.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading