Puntland iyo Finland oo ka wada-hadlay Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa Wafti ka socda Safaaradda Filand ee Dalalkaa Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka ayaa looga hadlay Dib-u-habeynta Amniga Puntland, Arrimaha Bulshada, Dimuquraadiyeynta iyo Wax ka qabashada qul qulka muhaajiriinta.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland iyo Waftiga Finland ayaa ka wada-hadlay Doorashooyinka Soomaaliya iyo Dib-u-heshiisiinta Dalka. Wasiir Dhabancad ayaa uga mahadceliyay Dowladda Finland taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading