Gaalkacyo-Madaxda labada Wasaaradood ee Maaliyadda u qaabilsan Puntland iyo Galmudug oo maalmihii la soo dhaafayna kulan uga socday magaalada Gaalkacyo ayaa kulan kaasi lasoo afmeeray.

Kulankan ayaa looga hadlaayay wada shaqayn xoogan oo ku aadan dhanka Cashuuraha oo dhex marta Labada Wasaaradood ee Maaliyadda Puntland iyo Galmudug.

Shirarkii kala duwanaa ee ay wada qaateen madaxda labada dhinaca ayaa waxaa kala hogaaminayay Wasiirku- xigeenka Maaliyadda dakhliga Mudane Cabdi Warsame Qawdhan iyo Wasiirku-xigeenka Maaliyadda Galmudug Mudane Mukhtar Maxamed.

Ugu dambayn masuuliyiinta labada Wasaaradood ayaa siwadajir ah u soo bandhigay heshiis ku aadan wada shaqaynta labada Wasaaradood oo ka kooban 13 qodob warbaahintana la wadaagay.

Baahintii
Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.