Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah oo ku kulmay Nayrobi

NAIROBI -Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa Maantay Magaalada Nairobi waxay kulan kula yeesheen Masuuliin ka socda FCDO, gaar ahaan Agaasimaha horumarinta FCDO, Madaxa arrimaha caafimaadka iyo bini’aadanimada iyo Madaxa arrimaha Maamulka (Governance).

Waasiirada Maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada iyo Taliyaha arrimaha Maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo FCDO ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin:

1. Mashaariicda caafimaadka ee ay Dowladda Ingiriisku ka caawiso Puntland iyo guud ahaan arrimaha bini’aadanimada, khaasatan xaaladda bini’aadanimo ee ka dhalatay dagaalada ka socda Laascaanood.

2. Mashaariicda horumarinta ee ka socda Puntland iyo sidii ay Dowladda UK gacan uga geysan lahayd, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka.

3. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay mashruuca horumarinta iyo casriyeynta kastamyada Puntland.

Shirka ayaa ku soo dhammaaday si guul ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading