Dowladaha Puntland, iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u gudbiyay liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kaas oo amba qaadaya howlaha doorashooyinka dalka.
Madaxweyne Deni ayaa gudbiyay Afar xubnood oo ku kala matalaya Puntland Labada Guddi, kuwaas kasoo kala jeeda Gobalada Mudug, Bari, Sool iyo Sanaag, halka Madaxweynaha Dowladda Jubbaland uu gudbiyay laba xubnood oo katirsanaa Guddigiisii doorashooyinka ee maareeyey dib u doorashadiisii.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda ay xubnaha ku matalaya Labada Guddi ee doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka ay gudbiyeen Puntland, Jubbaland, iyo Koonfur Galbeed, sidoo kalena maanta la sugayo inay dhankooda soo gudbiyaan Maamulada Galmudug & Hir-Shabeelle.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.