Puntland iyo Somaliland oo is dhaafsanaya maxabiis ciidan

Somaliland iyo Puntland ayaa maalinta beri ah lagu wadaa inay si wadajir ah isu waydaarsadaan maxaabiistii ay ku kala qabsadeen dhowr dagaal oo ku dhexmaray deegaanka Tukeraq.

Arinta ayaa waxaa fududaystay hay’adda laanqayrta cas oo garwadeen ka ahayd heshiis aan la shaacin oo dhexmaray Somaliland iyo Puntland.

Puntland ayaa dagaaladii ay la gashay Somaliland waxay ku qabatay 19 maxbuur oo 16 kamid ah ay u dhasheen deegaanada SSC, kuwaas oo lasii daayay, kadib markii dhaqan-celin loosameeyay, halka 3-da kala ee gacanta weli lagu hayo ay kasoo jeedaan Gobolada Waqooyi.

3 maxbuus ee Puntland la filayo inay ku wareejiso Somaliland ayaa mid kamid ah wuxuu yahay sargaal sare halka 2 kala ay yihiin askar.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading