Puntland iyo UNHCR oo ka wada-hadlay arrimaha Qaxootiga + Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay wafti ka socday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha qaxootiga oo ay hogaaminaysay madaxda Hay’adda UNHCR ee Puntland mss Monica.

Wasiirka iyo madaxda Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo qulqulka muhaajiriinta soo gala gudaha Puntland.

Sidoo kale, waxaa looga wada hadlay kulankaan mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda UNHCR ka waddo Puntland, sida la i saga kaashan karo kaalmada iyo maareynta qaxootiga iyo magangelyodoonka ku nool gudaha Puntland.

Ugu damayntii Shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawi Wanaaagsan iyo is afgarad.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading