Puntland oo Adkeysay Amniga magaalada Garoowe

Booliska Gobalka Nugaal ayaa howlgallo ka wada magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kuwaas oo lagu xoojinaya Amniga.

Howlgaladan ayaa imaanaya xilli la filayo in maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Tartanka 8-aad ee ciyaaraha Gobalada Puntland, ayna magaalada soo buux dhaafiyeen boqolaal shacab ah oo kayimid deegaanada kale ee Puntland.

Ciidammada ayaana baaris ku sameynaya gaadiidka dadweynaha, iyagoona sidoo kale su’aalo weydiinaya shacabka.

Sidoo kale, Taliska Qeybta Booliska Gobalka Nugaal ayaa uga digay taageerayaasha xulalka Gobalada Nugaal iyo Haylaan oo maanta ciyaaraya Finalka ciyaaraha Puntland inay dabaal-degyo ku sameeyaan shaaricyada magaalada, sida barxada Garoowe iyo inay fowdo ka sameeyaan garoonka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading