Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Mudane C/llaahi Cali Xirsi (Tima-cadde), ayaa ku amray Shirkadaha Isgaarsiinta Golis iyo Somtel in wixii ka dambeeya berrito oo taariikh-du tahay 5-December aan $1 dollar iyo wixii ka yar la isugu diri karin Adeegyada SAHAL & E-DAHAB.
Amarkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ayaa ka dambeeyay go’aankii kasoo baxay shalay Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.