Puntland oo amaro la xariira COVID-19 kusoo rogtay shaqaalaha deegaanadeeda

Wasaaradaha Caafimaadka iyo Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Amar cusub, kaas oo lagu wargaliyay Hay’adaha Dowladda Puntland iyo kuwa caalamiga ah inay faraan shaqaalahooda inay qaataan tallaalka cudurka COVID-19.

Sidoo kale, Labada Wasaaradood ayaa ku wargaliyay shaqaalaha in 21 cisho gudahood ay ku qaataan tallaalka, taas oo ka bilaabanaysa maanta oo Isniin ah, iyagoona sheegay in qof aan wadan waraaqda cadeynta qaadashada tallaalka uusan ka howlgalli doonin xarumaha shaqada, ayna sameyn doonaan kormeer.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading