Puntland oo beenisay in DFS ay Ciidamo ka qoratay Degaano kamid Gobalka Mudug ?+VIDEO

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in dowladda ay Ciidamo ka qorotay Gobolka Mudug ee dhinaca dowlad Goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sheegay in dadka wararka beenta faafiyay ay lacag ka doonayan Dowladda Federaalka, hayeeshee ay arrintaas ku fashilmeen sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Guddoomiye Axmed ayaa tilmaamay in wax xiriir ah uusan ka dhexeeyn Maamulka Gobolka Mudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana aysan jirin wax ciidan ah oo deegaanadaas laga qoray.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in dowladda federaalka aysan ciidamo ka qori Karin deegaanada gobolka ilaa iyo inta laga xalinayo khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dawladda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading