Puntland oo bilowday furitaanka waddooyinkii roobabku xireen ee Qardho (Sawirro)

Guddigi hoosadka Amniga, hawlaha guud iyo wacyi-galinta Guddiga gurmadka Qardho ayaa bilaabay hawl-galo lagu baneynaayo wadooyinka iyo goobaha ay xireen biyuhu si loo furo isu socodka gaadidka iyo dadka.

Guddigaan waxaa xubno ka ah Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeyna Puntland Axmed Bashiir, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaji Siciid, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland Gen.Yaasin Cumar dheer, Gen.Khaliif Ciise Mudan, Guddomiyaha Gobolka Karkaar, Siciid Maxamed Faahiye iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdi Caseyr Yuusuf.

Guddomiyaha Gobolka Karkaar, Siciid Maxamed Faahiye, ayaa sheegay inay rajeynayaan in maanta ay soo af-meeraan isku furitaanka isu socodka Gaadiidka iyo Bulshada Xaafadaha magaalada Qardho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading