Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, ayaa maanta kulan la yeeshay Engineero ku takhasusay Korontada, kuwaas oo Puntland ka caawinaya sidii Koronto raqiis ah loo gaarsiin lahaa Shacabka magaalada Gaalkacyo.
Korontada ayaa laga dhalin doonaa Tamarta-Cadceeda, waxaana ay kaafin doontaa guud ahaan Magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay inay ka go’an tahay Dowladda Puntland sidii Bulshada Gaalkacyo adeeg koronto oo hufan, kaasoo noqonaya 1-KWD $0.30 si aynu ula tartano Magaalooyinka iyo Gobolada kale ee Dalka.




Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.