Puntland oo boqol qoys oo barakacayaal ah dib u dajin u sameysay (VIDEO)

Maamulka Gobalka Mudug ayaa ku wareejiyay 100 qoys oo barakacayaal aha, guryo cusub oo ay dhistay Hay’adda UNHCR, kuwaas oo laga hir-galiyay xaafada wadajir ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur, oo madasha lagu wareejinayay guryahan ka hadlay ayaa ugu baaqay Qoysaska la dajiyay Xaafada wadajir ee Magaalada Gaalkacyo, in ay ilaal sadaan Guryaha la siiyay, kana shaqeeyaan amniga iyo nadaafada.

Dadka Barakacayaasha ah ee lagu wareejiyay guryahan oo loo sameeyay biyaha iyo waxyaabaha kale ee aas aaska u ah nolasha bulshada, ayaa u mahad-celiyay Dowladda Puntland iyo Hay’adda UNHCR.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading