Puntland oo Buuraha Bari ka bilaabaysa hawlgal ka dhan ah Daacish

Hawlgal Wadajir ah oo ay ka qaybgeli doonaan Ciidamada kala duwan ee PL,ayaa dhawaan ka bilaaban doona Buuraha Bari.

Sidoo kale,gudaha Magaalada Bosaso,ayaa lasii xoojinayaa adkaynta amaanka.

Gabagabo,waxaa ku dhow qorshihii hawlgalkaas haday noqon lahayd,Saraakiisha hogaaminaysa,Ciidankii iyo Saadkii.

Hawlgalkaas,waxaa taageeraya Quwadaha Shisheeye oo ugu horeeyo Maraykanka.

Haatan guud ahaan Magaalooyinka waa weyn ee PL,waxaa ka socda hawlgalo aan kala joogsi lahayn…

1.Galkacyo,waxaa dib loosoo qabtay 10 ka mid ah 12 argagixisa ah oo Xabsi ka fakatay,iyadoo 9-ka mid ah la toogtay.

Sidoo kale,waxaa horay loogu fuliyay Dil 5 mar ah iyo 18 mar ah oo argagixisada ka mid ahaa.

Maanta,waxaa lagu qabtay Drons lagu xiray Qaraxyo oo 5 ah iyo Dadkii ka danbeeyay,iyadoo xogta la helay laga faa’idaysanayo,waxaa Xamar lagu qabtay Qofkii ay ku socdeen Drons-ka.

2.Garowe,waxaa lagu qabtay 6-Xubnood oo ay ku jirto Gabar uqaabilsanayd Dhaqaalaha Daacish,Hal Dron iyo Qofkii ka danbeeyay.

3.Bosaso,waxaa lagu qabtay Hub iyo Laba Nin oo Daacish ah.

PL,waxay muujisay la dagaalan argagixiso oo aad usareeya.

JQ


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading