Puntland oo ceel-biyood la hirgalinaysa deegaanka Qarxis

Deegaanka Qarxis ee hoos taga degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa laga daah-furay Ceel-biyood ay baahi wayn u qabeen dadka deegaanku.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shir Cabdi ayaa daah-furay qodist Ceel-biyood kan uu yeelanayo Deegaanka Qarxis.

Kharashka lagu qadaayo Ceelka ayaa waxaa Bixinaysa Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Bulshada deegnka Qarxis ayaa Dowladda Puntland uga mahad celiyay Qodista ceelkan, waxana ay sheegeen in deegankan ay ka jirtay biyo la’aan.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading