Puntland oo daah-furaysa qorista manhajka dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa maanta daah-furaysa qorista buugaagta manhajka dugsiyada sare ee Puntland.

Manhajkan oo la jaanqaadi kara hab-nololeedka iyo samatabixinta bulshadeena, ayaa lagu soo darayaa maaddooyinka kala ah ICT, Farshaxan iyo kuwo kale oo dugsiga sare ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, Wasiiro, Xildhibaano, Aqoonyahano, Saraakiil ka socota Hay’adaha caalamiga ah ee Puntland ka gacan siiya Waxbarashada, khuburo iyo marti-sharaf kale.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading