Puntland oo daah-furtay daraasada Naqshadeynta iyo dhismaha Wadada Gaalkacyo – Garoowe (Sawirro)

Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland, Axmed Bashiir Muuse (Cirro), ayaa si rasmi ah Daah-furay Daraasada Mashruuca Dhismaha Waddada Waddada Garowe Gaalkacyo.

Munaasabadda daahfurka mashruuca oo ka dhacay bartamaha magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeybgalay Madax ka socotay DFS, Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Duqa degmadda Gaalkacyo, Waxgarad iyo Shirkadda Daraasaddka sameynaysa, iyo marti sharaf kale.

Mashruuca Diyaarinta Daraasadda, Naqshadda dhismo iyo Dukumentiga Qandaraas bixinta ( 85KM) Waddada Garowe Gaalkacyo ayaa ah qorshe dib u dhis loogu sameeynayo waddooyinka dalka. Mashruucaan ayaa muhiim u ah guud ahaan dalka gaar ahaan waddada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo illa Garoowe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading