Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland.

Kulanka,ayaa looga hadlay dardargelinta iyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo hadda ay socoto diyaarinta Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland,Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Si buuxda,waxaa layskula qaatay caawa in Dimuqraadiyayntii Puntland la socod siiyo.
Puntland,waxay dhamaystiraysaa qorshihii Dimuqraadiyaynta ee bilowday.

Majiri doonto Dowladnimo danbe oo ku imaanaysa hab Qabiil hadii la dhaqaajiyo Tareenka dimuqraadiyada.
Shacabka Puntland si weyn ayay usoo dhaweeyeen dhawaaqa caawa soo yeeray.

Puntland waxay utahay sharaf iyo in ay ilaashato doorkeedii curadnimo ee dib udhiska Dowladninada Somaliya dhaqaajinta Tareenka Dimyqraadiyada.

Madaxweynaha,Ururada Siyaasada,Bulshada rayidka ah iyo waxgaradka wada qaatay go’aankan si weyn,ayaa loo bogaadiyay.



Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.