Boqolaal kamid muwaadiniinta Itoobiya, oo sifo sharci darro ah kusoo galay, kuna joogay deegaanada Puntland ayaa maanta dib looga celiyay dalkooda, kaddib go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ee ka dhanka ahaa dadka Ajaanibta ah ee aan sharciga ku joogin deegaanka.
Itoobiyaanka oo maalmihii lasoo dhaafay laga aruuriyay magaalooyinka waa weyn ee Puntland iyo jidadka xiriiriya deegaanka – ayaa gaadiid xamuul ah oo ay korkacayaan ciidamada Amniga Puntland lagu qaaday, waxaana la geyn doonaa xadka ay la wadaagto Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Tallaabada ayaa ka dambeysay kaddib wada-hadallo dhexmaray Puntland iyo Itoobiya, kuwaas oo ku wajahnaa xaalada dadka iyo siddii dib loogu celin lahaa dalkooda.
Dhanka kale, Puntland ayaa beenisay warar been abuur ah oo ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta dalka Itoobiya, kuwaas oo sheegay in 3 muwaadin oo Itoobiyaan ah lagu dilay gudaha deegaannada Puntland.
“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu beeninayaa wararka sheegaya in dad Itoobiyaan ah lagu dilay gudaha Puntland, wuxuuna caddeynayaa in aysan jirin wax dil ah. Waxaa jiray dhacdo yar oo ay dad dhagxaan ku tuureen muhaajiriin, waxaana la qabtay eedeysanayaashii ka dambeeyay. Puntland waxay ka goβan tahay in la sugo badqabka dhammaan dadka ku nool, iyadoo aan la kala soocin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska Puntland.
Itoobiyaanka soo gala Puntland ayaa ku lug yeeshay Ajaanibta qeybta ka ah kooxaha argagixisada ah, waxaana intii uu socday howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari lagu dilay xubno Itoobiyaan ah, kuwaas isugu jiray Rag iyo Dumar, halka gacanta lagu dhigay qaar kale.
IDILNEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.