Puntland oo digniin adag u dirtay Dadka diidan Xeerka joojinta Gudniinka Gabdhaha (VIDEO)

Wasiirka Caddaaladda Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa si adag uga jawaabay doodda ka taagan xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha, kaas oo horyaalla Baarlamanka, kadib markii xukuumaddu ansixisay 10-kii bishan June 2021.

Wasiir Xaamud oo si gaar ah ugu jawaabayay culimo awdiinta diidan xeerkan ayaa sheegay in aysan Puntland ka talin laba dowladood oo is-barbar-socda (Two Parallel Governments), isagoona digniin adag u diray.

Wasiirka Cadaaladda Puntland ayaa muujiyay in xukuumadda Puntland aysan wax isbeddel ah ku samayn doonin xeerka mamnuucidda gudniinka gabdhaha, kaas oo dood iyo muran xooggan ka dhex abuuray dowladda iyo culimaa’udiinka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading