Masuuliyiinta Wasaraadda Maaliyadda ee gobolka Gardafuu, ayaa kormeer shaqo ku tagey xeebaha Degmada Bareeda, iyagoo indha-indheyn ku sameeyay dakhliga Xeebaha ee Wasaaraddu qaado.
Koormeerka, waxaa hogaaminayay Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada gobolka Gardafuu Maxamed Axmed Jeeg, Taliyaha Qeybta gobolka.Gardafuu Gaanshaanle sarre Shire Cabdi Ismaacil iyo maamulaha Dakhliga ee gobolka Cumar Jaamac Juusuf.
Masuuliyiintan, waxey digniin u direen Kalluumeysatada si sharci daro ah ugu Kalluumeysata Xeebaha Puntland gaar ahaan gobolka Gardafuu, waxeyna sheegeen ciddii lagu helo iyagoo si sharci darro ah u kalluumeysaneysa sharciga la hor keeni doono.
Xeebta Puntland, ayaa aad u dheer, waxaana ceegaaga kheyraad farabadan, waxaana la sheegaa in ay soo gallaan Maraakiib iyo Doonyo si sharci darro ah uga Kalluumeysta.
Idilnews
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.