Puntland oo diiwaan-galisay kiisas cusub oo cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday 4 kiis oo la xariira cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay Labadii maalmood ee lasoo dhaafay 116 qof oo looga shakiyay xanuunkan safmareenka ah.

Afarta qof ee laga helay cudurka COVID-19 oo dadoodu u dhexeyso 3 sanno illaa 51 jir, ayaa Saddex kamid ah ku nool yihiin Magaalada Garoowe, halka qofka kalana kunool yahay Magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 3 Ruux oo cusub ay kasoo bogsadeen cudurka.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka COVID-19 gudaha Puntland ayaa hada gaartay 403  qof, waxaana u dhintay 9 qof, halka ay ka bogsadeen 207 qof.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading