Puntland oo Gole deegaan u sameynayaa degmooyin ay kamid yihiin Boocame iyo Towfiiq

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Wasaaraddu ay bilaabayso bisha soo socota ee Maarso dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Godobjiraan, Xingalool, Jariiban, Towfiiq iyo Boocame, oo ka kala tirsan Gobalada Mudug, Nugaal, Sool iyo Haylaan.

Wasiir Dhabancad ayaa faray Masuuliyiinta iyo Odayaasha dhaqanka Degmooyinkaas inay diyaar garoobaan, soona xulaan xubnaha Golaha deegaanka ee Degmooyinkan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading