Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Dowladda Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire.
Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa kala ah.
- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud ( Guddoomiye )
- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin )
- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin)
- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin)
- Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin )
- Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin)
- Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)
- Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin)
- Guddoomiyaha Degmada Garoowe Axmed Siciid (Axmed Barre ) (Xubin)
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.