Puntland Oo hanbalyaysay Guusha Maxkamada Ee Dacwada Badda

HAMBALYO UMMADA SOOMAALIYEED

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash “Waxaan Rabbi mahadiis ah go’aanka taariikhiga ah ee guusha u wada ah dhammaan ummada Soomaaliyeed, anoo ku hadlaya magacayga, kan Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxaan boggaadinaya go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Adduunka ee ICJ.

Badda, Berriga iyo Hawada Soomaaliya illaalinteeda iyo sugiddeedu waa waajib lama taabtaan ah oo ay tahay inay wada illaashadaan Soomaali oo idil, ka Puntland ahaanna markasta waa aragti aan u taaganahay.

Waa dharaar farxadeed maalinta xuska Calankeenna iyo go’aanka muddada soo socday ee ka soo baxay ICJ waa dhacdo masiireed oo aan la hilmaami doonin.”

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading