Puntland oo heshay Doonni kalluumeysi oo horey loo waayay (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Caawash Beel-daaje, ayaa sheegay inla helay doonni kalluumaysi iyo bad-maaxyadii la socday, taas oo lagu weysanaa xeebaha Badda Cas.

Wasiir Faarax Cawaash ayaa sheegay in doontan oo maqneyd muddo Shan cisho ah, laguna magacaabo Caseyr waaxid laga helay meel u jirta 70-Meyl Xeebta Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Caawash Beel-daaje ayaa sheegay in doontan oo siday 15-tan oo Kalluun ah, ay ku timid cilad dhinac Matoorka ah, balse la sameeyay, haatana ay toos u aaday Magaalada Mukalah ee Dalka Yemen oo ay Kalluunka u waday.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading