Puntland oo heshay Masuul uqalma Xaafiiska Hanti-dhowraha Guud

Xaqiiqdii MW Deni,waa in lagu amaanaa asiibida xulashada Hanti-dhowraha Dowlada PL.

Cismaan Cali,waa istaahilaa in loo dhiibo Xaafiiska Hantidhowraha PL……

1.Aqoon waa ka diyaarsan yahay.
2.Khibrad waa ka diyaarsan yahay.
3.Hufnaan iyo Akhlaaq wanaagsan,way ka muuqataa.

Sida uu ku sheegay Barnaamij ay Bulshadu ku waydiinaysay su’aalo oo aan uqabanay,Madaxtooyadu,waxay siisay taageero 100% ah.

Hadii Madaxbanaanidaas iyo taageeradaas lala garab taagnaado,wax weyn,ayuu qaban karaa.

Maamul wanaaga salkiisu,waa Hanti dhowre wanaagsan oo yaqaan Shaqadiisa una ah daacad.

Waa markii ugu horaysay oo Xaafiiska Hanti-dhowruhu helo Qofkii uu ubaahnaa,halka uu ka ahaan jiray Xaafiis musuqa iyo kala goosiga dhiirigeliya.

MW Deni,hadii gankiisu yahay in uu la yimaado Maamul wanaag si buuxda oo hufan ha ugarab siiyo Cismaan Cali.

Bulshada PL haday danaynayaan nidaamka Dowliga ah oo utoosa hala Shaqeeyaan Hanti-dhowraha..

 

Halkan ka dhagayso Dooda qayb ka mid ah.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading