Puntland oo joojisay dhigista Buug lagu aflagaadeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa ku amartay mac-hadka Islaamiga ah ee Khadiija in aysan dib dambe u isticmaalin buug ku qoran Af-Soomaali oo dagaal ooge ku tilmaamay madaxweyne, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Mas’uuliyiinta mac-hadka Khadiija oo ku yaalla magaalada Garoowe ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda, waxaana su’aalo laga weydiiyay buuggaas oo muran ka dhaliyay baraha bulshada, kadiba waxa lagu amray in ay joojiyaan.

Wasaaradda ayaa sida la xaqiijiyay la wareegtay buuggaas, oo mac-hadka Khadiijo u isticmaali jiray mid laga tixraaco taariikhda dad ay ku jiraan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading