Puntland oo ka hadashay Doon lagu Afduubtay Xeebaheeda

Dowladda Puntland,ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Doon kaluumeysi oo shalay lagu qafaashay Xeebaha Qandala ee Gobolka Bari.

Guddoomiyaha deegaanka Qandala Axmed Yuusuf khuurshe oo hadlay,ayaa sheegay in Doonida laga leeyahay Dalka Iran.

Guddoomiyaha deegaanka Qandala Axmed Yuusuf khuurshe,ayaa xaqiijiyay in Doonida laga leeyahay Wadanka Iran.

“Doonta waxa ay joogtay Aagga Qandala markii la Afduubanayay. waxay ahayd Doon shaqadeedii dhameysatay oo dib ugu laabaneysay Iran,”Ayuu yiri Axmed.

Gudoomiyaha,ayaa intaas ku daray in Afduubka looga shakisan yahay kooxo burcad badeed ah.

Guddoomiyahu waxa uu sheegay in doontu ay u kireysneed ganacsato deegaanka kasoo jeeda, kuwaas oo kaga kaluumeysan jiray Xeebaha Soomaaliya ayna ka diiwaangashan tahay Puntland.

Dhammaan shaqaalaha la socday doonta oo aan la shaacin tiradooda,ayaa ah Ajaanib.

Guddoomiyaha Qandala,ayaa sheegay Ciidamada Badda Puntland PMPF iyo kuwa Booliska ay wadaan baaritaan,inkasta oo aan la ogayn halka lagu hayo Doonta.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading