Puntland oo ka mamnuucday degmadda Carmo riditaanka Rasaasta (VIDEO)

Shir looga hadlayey xoojinta Amniga guud ee degmada Carmo ee gobolka Bari, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan.

Shirkan oo qabsoomay jimcihii shalay ahaa ayaa si gaar ah diirada loogu saaray la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab Iyo Daaciish, ka hortaga mukhadaraadka, dabar-gooynta xaalufka.

Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, Guddoomiyaha Gobalka Bari oo shirka markii uu soo dhamaaday saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in go’aano 10 ah ay kasoo baxeen shirka, kuwaas oo uu kamid yahay inaan rasaas laga ridi karin gudaha magaalada Carmo, sida rasaasta tijaabada ah iyo kuwo bilaa micnaha loo rido.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading