Puntland oo ku baaqday in la hakiyo Dayn Cafinta iyo qaadashada Dayn cusub

Puntland si cad,waxay usheegaysaa in la hakiyo Dayn Cafinta,hadii la Cafiyana aan la qaadan Dayn cusub.

Waxay soo jeedisay in la hakiyo Daynt ilaa Somaliya ay gaarayso Sadex arimood oo kala ah…

 

1.Xasilooni Siyaasadeed.

2.Xasilooni Amni.

3.Xasilooni Dhaqaale.

Taas badalkeeda,waxay ku doodaysaa in Somalidu wada fariisato oo ay soo saarto waxay heshiis ku tahay.

Hadiise laga deg-dego soo jeedinteeda oo Daynta la cafiyo lana bixiyo mid cusub,waxay noqonaysaa in Somaliya la saaray Guri Dabakh ah oo ku taagan Tiirar Bulukeetiya oo dumi doona.

Dayn gaaraysa $3-Bilyan oo aan laga heshiin sida loo qaybsanayo ama waxa lagu qabanayo,hadii la qaato waxay noqon doontaa burbur hor leh oo ku dhacay Dowladnimada Somaliya.

Hay’adaha Lacagta reer Galbeedka IMF iyo World Bank,waxay ka shaqaynayaan in toodu fusho mana kala jecla danta Ummada iyo dhismaha Dowladnimo ee Somaliyed.

Dadajinta lagu samaynayo Sharciyada muhiimka u ah hanaanka Maaliyadeed ee Somaliya,waxaa dabada ka riixaya IMF iyo World Bank.

Puntland waxay soo jeedinaysaa in arinkan laga dhimo xawaaraha lagu socodsiinayo oo si miyir qab ah lagu wado,isla markaana mudada loo qabtay wax laga bedelo Somaliyana lagu sii hayo hanaanka Deeqaha ee lagu kabo Miisaaniyadeeda.

Warka kasoo baxay Puntland,waxuu imaanaya,iyadoo Maanta ay IMF ku dhawaaqday in heer kale oo muhiim u ah Dayn Cafinta Somaliya heshiis laga wada gaaray oo Somaliya buuxisay Shuruurdihii looga baahnaa dhankeeda,waana waxa ay ja digayso Puntland oo muhiim u ah Barnaamijka Dayn Cafinta.

https://www.imf.org/en/News/Articles/2023/09/22/pr23323-somalia-imf-staff-completes-staff-level-agreement-with-somalia-on-sixth-review-under-ecf

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading