Puntland oo ku dhawaaqday in aysan Aqoonsaneyn Hay’adda Shidaalka Soomaaliya (Akhriso)

Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan Aqoonsaneyn Hay’adda Shidaalka Soomaaliya “Somali Petroleum Authority”.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), ayaa lagu sheegay in Puntland aysan sidoo kale aqoonsanay heshiisyada iyo shaqada Hay’adda (SPA), maadama DFS uu wakhtiga uga eekaa 8, February 2021.

Wasiir Taaraan ayaa ugu baaqay Shirkadaha daneenaya Soomaaliya inay ka qaataan Shatiyada Hydrocarbon-ka in ay sugaan inta dalku doorashada ka baxayo, oo ay dowladd cusub imanayso.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading