Puntland oo ku eedeysay Somaliland hurinta colaada Degaanada SSC (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa ku eedeeyay Maamulka Somaliland hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Cayn, gaar ahaan degaanka lagu Magacaabo Horufadhi.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin goobta uu ka dhacay dagaal beleedka, kuwaas oo qeyb ka ah hurinta colaada degaanka ka jira.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay, in marar kala duwan oo hore ay dhacday in Somaliland isku dirtay beelaha deggan Gobalada SSC, si ay wadajirkooda iyo midnimadooda u wiiqdo, dabadeedna u qabsado dhulkooda, iyadoo marmar siinyo ka dhiganaysa in Ciidamo la kala dhex dhigayo beelaha dagaallamay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading