Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay la socoto Al-Shabaab la wareegay Gacan-maroodi+VIDEO

Dowladda Puntland ayaa ka hadashay maleeshiyaad katirsan Kooxda Al-Shabaab oo maanta la wareegay Degaanka Gacan-maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag.

Taliyaha Qeybta 9-aad ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay Gobalka Sanaag S/ Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur, ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab gacanta ku hayaan Degaanka Gacan-maroodi, isla markaasna ay ka sameysteen Difaacyo qeybo kamid ah xaafadaha Degaanka.

S/Guuto Canshuur ayaa Sheegay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee qabsaday Degaanka Gacan-maroodi ay soo gaartay inay tiradoodu gaaareyso 70 dagaallame, isagoona ku eedeeyay Maamulka Somaliland inay gacan saar la lee yihiin Al-Shabaab, ayna la socdaan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan.

Sidoo kale, Waxaa uu sheegay in Degaankan ay Maamuleysay Somaliland ayna la yaab ku noqotay markii ay soo gaartay in Degaanka Gacan-maroodi ay la wareegeen Argagixisada Al-Shabaab.

Degaanka Gacan-Maroodi ayaa hoostaga Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag oo qiyaastii 50-KM dhanka bari ka xigta Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobalka Sanaag, waxaa gacanta ku hayay Ciidanka Somaliland oo bilo kahor ay ku dagaalameen Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading