Puntland oo laga bilaabayo talaalka COVID-19 (VIDEO)

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa 30 shaqaale oo ka kala yimid dowlad gobaleedyada iyo dowladda dhexe u qabatay tababar ku saabsan talaalka COVID-19 oo la qorsheeyey inuu dhamaadka Bishaan uu soo gaaro Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaaradda caafimaadka dawaladda puntland Dr Abdiraaq Xirsi Xasan ayaa sheegay in 300 oo kun oo talaalka covdid-19 soo gaarayo soomaaliya dabayaaqada Bishaan loona qorsheeyey in Puntland lagu bilaabo.

“Waxaan soo dhawaynayaa in loo xushay in talaalka oo bishan 25 keeda soo gaari doona Soomaliya laga bilaabi doono Puntland oo xaga qaboojiyaasha iyo inaan udiyaarsanahay wax kasta oo talaalku ubaahanyahay”. ayuu yiri Agaasime Cabdirisaaq.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading