Puntland oo saaka tooganaysa 18 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab

Puntland ayaa saaka xukun dil ah ku fulinaysa 18 kamid ah maleeshiyaadka Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhowaan xukun ku riday Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland.

Ragan ayaa kuwii ka dambeeyay falal isugu dil iyo Qaraxyo oo 13 sanno ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Gaalkacyo, laguna dilay Haldoorkii Gobalka Mudug.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana Gudaha magaalada lagu daabulay cutubyo kamid ah Ciidamada kala duwan ee Puntland.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading