Puntland oo Sanaag udirtay wefti balaaran oo miisaan leh

Waa loo baahnaa in la muujiyo awooda iyo saamaynta PL ee Sanaag oo loo diro masuuliyiinta kasoo jeeda.

Waliba in lagu soo aadiyo Maalin ay Garowe usoo baxeen Garaadada Sool oo wada Wajigii Labaad qorshahoodii wajiyo badanka ahaa, balse ay ugu magac dareen (Mahadcelinta).

Wa fariin reer Sanaag udirayaan Garaadada Sool oo ay ku leeyihiin (Anagu qayb idin kama nihin,waana ku faraxsanahay PL-ta aan wax ka dhisanay).

Sanaag Bari,waxaa si qurux badan oo rabitaan Shacab ah uga qabsoontay Doorashadii PL ee Golayaasha Deegaanka.

Somalida Waqooyi xalkeeda iyo kan Guud ee Somaliya,waxa uu ku jiraa in aan loo dhaxayn Maamulada SL iyo PL .

Si kale hadii loo yiraahdo Beesha Direed inteeda badan,waxay ku macno badan tahay in ay ku midaysnaato Maamulka SL.

Sidoo kale Beesha Daarood inteeda badan ay ku midaysnaato Maamulka Puntland,sidaana lagu sugo Dastuurka Fadaraaliga ah iyo Midnimada Wadanka.

PL uma taagna oo kaliya masiirka Beelaha ku Abtirsada oo qura ee waxaa kaloo lagu ilaaliyaa oo ay qiimo uleedahay….

B.Jiritaanka Qaran Sinjiga Somaliga utaagan.
T.Fadaraalka.

Sababta jaangoynta Siyaasadeeda aan loogu salaysan caadifad Qabiil,waa midaas.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

default


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading