Puntland oo shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu danbeeyay ee xanuunka Covid 19 ee Isbuucii la soo dhaafay kadib markii cudurka uu kusoo laba kacleeyay degaannada Puntland.

War kasoo baxay  Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in muddo todobaad ah la baaray dad gaaraya 572 ruux , hayeeshee xanuunka laga helay 82 kamid ah taasoo muujinaysa sara ukac inuu jiray marka loo eego todobaadyadii ka horeeyay.

Dadka Cudurka laga helay ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland sheegtay in badankood ay ku sugan yihiin  magaalada Garowe oo laga helay 57 ruux oo ka mid ah.

Wasaaradda ayaa waxay walaac ka muujinaysaa in markale sida aduunka uu usoo laba kacleeyay si gaar ahna soomaliya uu usoo laba kaclayn karo Puntland.

Ugu dambeyn Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa dadweynaha la wadaagtay  inay feejignaantoodi soo celiyaan ayna isticmaalaan waxyaabaha la iskaga ilaalinayo xanuunka, cid kasta oo iskaga shakidana ay tagaan xarumaha baaritaanka kana ilaaliyaan dadka kale.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading