Puntland oo shaacisay khasaaraha kasoo gaaray Ciidankeeda howlgalka ‘NAB’ (VIDEO)

Ciidammada Puntland ayaa todobaadkii saddexaad howlgallo culus oo ka dhan ah Argagixisada ka wada Buuraleyda cal-miskaad ee Gobalka Bari, kaas oo lagu beegsanayo goobo saldhig u ah Daacish.

Howlgalkan oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Amniga Puntland iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland ee Daraawiishta, ayaa loogu magacdaray NAB, oo loo soo gaabiyay ‘Nadiifinta Agagaarka Boosaaso’.

Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu khaarijiyay xubno katirsan Daacish, iyadoona lagu qabtay maxaabiis, sidoo kalena lagu burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Daacish, sida uu sheegay Wasiirka Amniga Puntland.

Wasiir Cabdisamad Maxamed Gallan oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Boosaaso, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Puntland ay howlgalka uga dhinteen 2 Askari, halka ay ugu dhaawacmeen 10 kale.

https://www.youtube.com/watch?v=ERKY4BGoC9A

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading