Puntland oo Shuruudo adag ku xirtay Mashaariicda Baanka Aduunka

Puntland 5-Shuruudood ayay ku xirtay qayb in ay ka noqoto Mashaariicda Baanka Aduunka,kuwaasoo kala ah…

1.In ay cadahay Qoondada PL ay ku leedahay Mashruucaas.

2.In Madaxa Mashruucaas maamulaya fadhigiisu yahay gudaha Puntland.

3.In Dhaqaalaha ku baxaya lagu soo shubo Bangiga Puntland.

4.In Hanti dhowraha Puntland door ilaalin ah ku leeyahay fulinta Mashruucaas.

5.In Shaqaalaha loo qaadanayo Mashruucaas Puntland ay ku leedahay Qaybteeda.

Dhamaan Qodobadan,waa Dastuuriyan ku qotoma Dastuurada PL iyo kan kmg ah ee Fadaraalka.

PL waxay diiday in hanaanka Maaliyada Somaliya loo dhiso si baalmarsan Nidaamka Fadaraalka ama si iga gaarsii ah oo berri fashilmi doona.

Puntland,waxay samaysatay nidaam Maaliyadeed oo ugaar ah,waxayna muujisay in ay isku filan tahay dhaqaale ahaan iyo nidaam ahaanba.

Puntland,waxay soo ceshatay awoodo Dastuuriya oo ay horay ugu deg-degtay wareejintooda,waxayna hada kadib taagan tahay,waxaan laga heshiin oo aan waafaqin nidaamka Fadaraalka qayb kama noqonayno.

SL iyo Dekeda Berbera,waa Qodob muhiimadiisa leh in lagu xisaabtamo.

Baanka Aduunka iyo IMF PL way diiday in ay ufududayso danahooda khatarta ku ah Dowlad dhiska Somaliya.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading