Puntland oo si Madax banaan uga qaybgashay Shirka caalamiga ah Ee la dagaalanka Burcad Badeeda

Shir looga hadlayay Burcada Badeeda iyo hawlgalada ka dhanka ah,ayaa lagu qabtay Nayrobi.

IOSI la dagaalanka Argagixisada iyo Geopolitical,ayaa qabatay Shirkan.

Waxaa ka qaybgalay Shirka 5 -Wadan oo kala ah….

1.Kenya.
2.Jabuuti
3.Maruushiyas
4.SiiShalis.
5.Somaliya

Sidoo kale,waxaa ka qaybagalay Hay’adaha kala ah…

1.UNOPS.
2.UNODC.

Puntland oo ku matalasay Shirka guud ahaan Somaliya,ayaa waxaa uag qaybgalay Agaasinka Ciidanka Bada iyo hogaanka Danbibaarista.

PL,waxay ku kasbatay maqaamkan doorkeeda la dagaallanka Burcad Badeeda iyo danbiyada.

Shirkan,wuxuu kusoo aaday xili Burcad Badeedu dib dhaqdhaqaaq uga bilowday Xeebaha Somaliya,waxaana looga xaajooday sidii looga hor tagi lahaa in ay dib usoo noolaato Bur ad badeed.

PL,si gaar,waxaa loogu balan qaaday Shirka in laga caawiyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa awoodeeda la dagaallanka Burcada.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading